Sarkaal Xigeen Ka tirsan Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Mudisho oo la dilay
Muqdisho March 17 2013 (SDN)– Sarkaal Xigeen ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa maanta kooxo hubeysan waxa ay ku toogteen demada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Warsame ayaa waxa la sheegay in labo dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado ay ku toogteen xilli uu ka soo baxayay gurigiisa.
Dilka kaddib ayaa Taliyaha Ilaalada Wadooyinka oo Shir saxaafadeed qabtay waxa uu sheegay in marxuumka geeriyooday uu ahaa Nin muddo dheer ka soo shaqeynayay howlaha Taraafikada.
Cali Bare Xirsi Cali Gaab ayaa intaasi ku daray in xogaha ay heleen oo dilka Sarkaal Xigeenkan Taraafikada ku aadan uu muujinayo in kooxo hubeysan oo bistooladu watay ay dilka geysteen kuwaasi oo aan la garaneyn halka ay kayimaadeen.
Waa qofkii ugu horeeyay oo ka tirsan Ciidamada Ilaada Wadooyinka ee lagu dilo Magaalada Muqdisho.
SDN-Muqdisho