Ciidamada Ethiopia oo gacanta ku dhigay dad Xiriir la leh Xarakada Al Shabaab
Addis Ababa March 17 2013 (SDN)– Sida ay qortay jariirada Suudaan ka soo baxday ee Loo yaqaano Sudan Tribune ciidamada ammaanka dalka itoobiya ayaa gacanta ku dhigay afar xubin oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Afartaan shaqsi oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab,islamarkaana gacanta ay ku dhigeen ciidamada itoobiya ayaa lagu qabtay Magaalada Moyale oo u dhaw xadka Soomaaliya iyo itoobiya u dhaxeeya,iyadoo loo eegayo hay’adaha Sirdoonka itoobiya.
Tuhmanayaasha ayaa Xukuumada Adis-ababa ku eedeeysay qaaditaanka weerar ay damacsanaayeen inay ka geystaan dhulka Soomaali galbeed ee Ethiopia ay maamusho.
Ciidamada Boliiska itoobiya ayaa sudaan Tribune u sheegay in dadkaan looga shakisan yahay inay ka tirsan Al-shabaab ay doonayeen in weeraro iyo afduub ay u geystaan shaqaalo ajaanib ah oo ku sugan kaam ay ku jiraan qaxooti Soomaaliyeed.
Xukuumada itoobiya ayaa mudooyinkan dambe waday howlgalo ay ku sheegtay inay ku baacsaneyso dhalinyarada Al-shabaab ka tirsan ee ku sugan gudaha dalkaasi itoobiya.
Dhanka kale saraakiil ka tirsan itoobiya ayaa sheegay in Tuhmanayaasha inta badan ay qabtaan isugu jiraan Soomaaliya iyo Kenyaati oo tababar ku soo qaata dhulka soomaalida sida ay sheegeen kuwaasi oo u diyaarsan inay weeraro ka geystaan gudaha dalkaasi itoobiya.
SDN-Addis Ababa