|

Hub ku Kujiray Baqaaro kuyaalla Madaxtooyada Soomaaliya oo la ogaaday in la xaday

Muqdisho March 16 2013 (SDN)— Saanad Milatari ayaa lagala baxay Baqaaro kuyaalla Dhismaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Warar hoose oo iminka soo shaacbaxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Baqaaro waa weyn oo kuyaalla dhismaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya laga labaxay Saanad Milatari oo ay la heyd dowladda Soomaaliya.

Illo Lagu kal soonaan karo oo aan kala xiriiray Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ii xaqiijiyay in hubka laga la baxay baqaaradaasi uu xadigoodu badan yahay, islamarkaana la ogaaday in si qeyb qeyb ah loola bixi jiray.

Arrintan ayaa soo shaacbaxday rasmi ahaan Xalay markii La qabtay Hub u badanaa Rasaasta Hoobiyaha, kuwaasi oo laga la baxayay Baqaarada hubka lagu keediyo ee Kuyaalla Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in hubka ku keydsan baqaarada Madaxtooyada si qarsoodi ah loo qaadan jiray, taasi oo aysan ka warheyn Madaxda dowladda ee ku nool dhismahaasi.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in la hayo Kabtan lagu tuhmayo in uu ku lug leeyahay fadeexadan cusub kaasi oo Magaciisa lagu soo gaabiyay C/fitaax.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in Saakay uu booqday Baqaarada hubka laga la baxyay oo kuyaalla dhismaha Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Xiriiro aan la sameeyay Mas’uuliyiinta Madaxtooyada ayaysan ii suuroobin, hase ahaatee waxaa la tilmaamayaa in Fadeexadaani ay gil-gishay dhismaha Madaxtooyada oo si foojigan loo la soconayo hada saraakiisha iyo dadka kale ee ku sugan halkaasi.

Soomaaliya waqtigan hubka waxaa gata oo kaliya Xarakada Al Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya, madaama aysan jirin dhinacyadii kale ee awal loo tiirin jiray gadashada hubka.

Fadeexadan ayaa ku soo aadeysa xilli Soomaaliya si tijaabo ah muddo halsano xayiraadii hubka looga qaaday, waxaana arrintan ay keeni kartaa walaac hor leh oo ku aadan kalsoonida lagu qabi karo hub lagaliyo gacmaha dowladda Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed