Sadex doonyood oo ay Ciidamada Jabuuti soo daayeen iyo Laba kale oo aan War laga hayn
Hargaysa 16.March (SDN) Wasiirka Wasarada Kaluumeysiga Iyo Khayraadka Badda Ee Somaliland Md. Cabdilaahi Jaamac Cisman Geeljire ayaa Maanta Cadeeyay in Dawlada Jabuuti aya Sii Deysay Saddex Doonyod oo ka mid ahaa Shan Doonyod oo Ciidamada Xeebaha ee Dalkaasi ay gacanta ku hayeen .
Wasiirka ayaa hadalkan ka Sheegay Shir Jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xafiiskiisa waxaanu Xusay in Saddexdan Doonyod ay ahaayeen Kuwo Ka Kaluumeysta Xeebaha Somaliland,Isla markaana Rusqad ka haysta wasarada Kaluumeysiga Somaliland.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray in aan Wali la soo deynin Labba Doonyod oo Ganacsi u sidday Magaalada Saylac.
Wasiirka Wasarada Kaluumeysiga Iyo Khayraadka Badda Ee Somaliland Md. Cabdilaahi Cisman Geeljire waxa uu hadalkiisa ku sheegay in dhigiisa Wadanka Jabuuti uu ku Wargaliyay Wakiilada Somaliland ee dalka Jabuuti in Sadexdaas doonyood ay sii daayeen ,Waxaanu intaas ku daray inay haboon tahay in labada dal ay ka wada shaqeeyaan arrimaha noocan oo kale ah si la isaga Qanciyo ayuu Yidhi Maadaama ay inoo dhaxayso Xuduud badeed oo aad u dheer .
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com