Wasiir Katirsanaa Maamulka Galmudug oo Shaaciyay in uu Iscasilay
Galkacyo March 16 2013 (SDN)— Wasiir ka tirsanaa golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa Shaaciyay in uu Iscasilay.
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug Max’ed Mahad Garaco ayaa Shir Saxaafadeed uu ku qabtay maanta Magaalada Galkacyo waxa uu uga dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas uu u hayay.
Maxamed Mahad waxa uu sheegay in Wasaaradiisa ay ka shaqeyn weyday musuq maasuqa Madaxda Galmudug iyo wax ka qabasha la’aanta dhinaca amaanka gaar ahaan afduubyada.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Maamulka Galmudug ma uusan sheegin talaabada uu qaadi doono xilka qaadistiisa kadib, waxaase uu ugu baaqay Maamulkiisa in ay ka shaqeeyaan nidaamka iyo kala dambeynta.
Iscasilaada Wasiirka waxa ay imaaneysaa iyadoo dhawaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in aqoonsiga Galmudug uu ku xiran yahay iyadoo buuxisa sharuudaha Maamulka oo ay ka mid tahay labo gobol iyo in ka badan.
SDN-Galkacyo