Kulan lagaga hadlayay Wada Shaqayn buuxda oo dhex marta Maamulka Magaalada Boorama iyo Madaxda Laamaha dawlada oo boorama ka qabsoomay
Boorama 16.March ( SDN) Kulan ay si wada jir ah uga qayb qaadanayeen Dawladaha Hoose ee degmada boorame iyo isu duwayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada ee heer Gobol lagagana hadlayey iskaashiga labada dhinac ayaa ku qabsoomay manta magaalada boorame xarunta Gobolka awdal.
Hadal uu kulankaasi ka jeediyey Mayorka Boorame Saleebaan Xasan xaddi ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay wada shaqayn buuxda ka yeesheen hawlaha degmada Boorame laga fulinayo dhinacyada ay khusayso gaar ahaan dawlada hoose iyo isu duwayaasha heer gobol ee wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda.
Kulanka oo hal maalin ahaa kuna qabsoomay xarunta dawladda Hoose ee Degmada Boorame ayaa lagu go’aamiyey in qorshe wada shaqayneed oo dhamaystiran ay yeesheen Degmada iyo laamaha dawladda ee Heer Gobol si la isu waafajiyo baahiyaha aasaasiga ah iyo adeegga ay fulinayaan dhinacyadani.
Gebegabadii kulankaasi waxaa kale oo lagu go’aamiyey in kulankan noocan ah ay labada dhinac bishiiba hal mar yeeshaan.
Boorama SDN
qurbejoog@gmail.com