Ciidamada Ahlu Sunna oo howlgal ay Burcad ku soo qabteen ka sameeyay Deegano hoosta Dhuusamareeb
Dhuusamareeb March 16 2013 (SDN)—Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in howlgal ay Ciidamada Ahlu Sunna ka sameeyeen deegaano u dhaw Magaaladaasi ay ku soo qab qabteen Rag burcad ah oo la sheegay in ay dhaceen dad safar ah oo gobolka Galgaduud marayay.
Faraxaan Macalin Cali oo ah Taliyaha Amniga degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galagaduud ayaa waxa uu sheegay in howlgalka Maanta ay ka sameeyeen deegaanka Mirig oo u dhaw Dhuusamareeb, halkaasi oo uu tilmaamay in Burcadu ay dhac ugu geysteen dad Safar ahaa.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Raga la soo qabtay oo uu san tiradooda sheegin ay ka heleen Agabkii iyo lacagihii ay ka dhaceen dadka Safareyda ahaa ee Marayay gobolkaasi.
Faraxaan Macalin Cali ayaa xusay in mid ka mid ah Ragii dhaca geystay uu dhaawacmay intii lagu guda jiray howlgalka, waxaana uu carabka ku dhuftay in xabsiga la dhigay Ragii gacanta lagu soo dhigay.
Maamulka Ahlu Sunna ee ka taliya degmada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galagaduud ayaa horay u sheegay in aysan u dulqaadan doonin falal burcadnimo ah oo laga geysto deegaanada hoostaga Dhuusamareeb.
SDN-Dhuusamareeb