|

Shiinaha Oo Adkeynaya Ammaanka Xeebaha Gacanka Cadan Iyo Soomaaliya

Bijin March 16 2013 (SDN)— Saraakiisha ciidamada Badda dalka China ayaa wacad ku maray inay adkeyn doonaan ammaanka xeebaha gacanka Cadan iyo xeebaha Soomaaliya iyagoo kala dagaalami doonaan burcad badeeda sii baaheysa.

Wakaalada wararka shiinaha Xinghua oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan ciidamada Badda dalkaasi,ayaa qortay warbixin ay ku tilmaameyso in Xukuumada Beejiin hamuun u qabto inay kordhiso la dagaalanka waxa loogu yeero burcad badeeda Soomaalida ee Maraakiibta ka qafaasha xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan Madaxweynaha cusub ee dhawaan la soo doortay mar uu la hadlayay shacabkiisa wuxuu hoosta ka xariiqay in la kordhinayo tayada ciidamada xooga dalkaasi,isagoona dhanka kale tilmaamay xoojinta ciidamada Badda ee dalkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha cusub oo waxqabadkiisa ka warbixinayay ayaa tilmaamay in waxyaabaha ugu horeeyo uu ku dhaqaaqayo uu ku sheegay in la dhiso awooda ciidamada dalkaasi,isagoona tibaaxay inuu kordhinayo taageerada uu siinayo Soomaaliya.

“Kooxaha burcad badeeda qatar ayay ku yihiin biyaha Soomaaliya iyo wadamada dariska la ah,waxaana Qatar galaya hadii ay sii jiraan burcad badeeda marin biyoodka Soomaaliya oo Maraakiib badan ay isticmaalaan.”ayuu yiri Madaxweyne Xi.

Si kastaba ha ahaatee Xukuumada shiinaha ayaa maraakiib dagaal waxay ka joogaan xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo sheegaya inay la dagaalamayaan burcad badeeda Soomaali ah.

Comments are closed