|

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqday Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho March 16 2013 (SDN)–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta booqasho ku tagay xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo dhawaan cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehliye Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka C/laahi Abyan Nuur iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka Socdaalkiisa uu yahay ukuurgalida xaalada ka taagan Xabsiga dhexe ee Xamar oo dhawaan lasoo tabiyay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay.

Saacid ayaa sheegay inay kusoo wareegeen qeybaha xabsiga dhexe saraakiisha xabsigana ay warbixin ka siiyay xaalada Xabsiga dhexe iyo maxaabiista sida xaalkooda yahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xaalada xabsiga si wanaagsan ay usoo eegeen isaga oo tilmaamay in maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Xamar wixii ay uqaban karaan ay uqabanayaan maadaama qaarkood ay xanuunsan yihiin.

Booqasha maanta uu xabsiga dhexe ku tagay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo xubnaha kale ee wasiirada ayaa waxa ay imaanaysa iyadoo dhawaan taliska xabsiga dhexe ee Xamar uu shaaciyay in maxbuus uu ugeeriyooday cudurka shuban biyoodka oo xabsiga dhexe ka dilaacay.

SDN-Muqdisho

Comments are closed