Duqii hore ee magaalada Hargeysa oo beeniyay in uu ku biiray xisbiga Wadani
Hargeysa Mar 16,2013(SDN)-Duqii hore ee caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa waxa la shaaciyay in uu ku biiray xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani oo isla markaana loo magacaabay xil.
Wararkan ayaa lagu sheegay in Eng Jiciir loo magacaabay madaxa Maaliyada ee xisbiga Wadani.
Warar aad ugu dhawdhaw Duqi hore ee Hargeysa ayaa qurbejoog.com u xaqiijiyay in sheegashadaasi aaney waxba ka jirin.
Warkan dafiraada ku biirida Eng Jiciir ee Wadani ayaa intaa ku daraya in Mayorkii hore ee Hargeysa uu saxaafada uun ku arkay.
Eng Xuseen Maxamud Jiciir ayaa hore uga tirsanaa xisbigii UDUB,waxaanu caasimada Hargeysa Mayor ka ahaa mudo toban sanadooda.
Mara hore ugama hadal Eng Jiciir hamigiisa Siyaasadeed ururadii xisbinimada u tartamayna midna muu taageerin.
Waxaase lagu xaman jiray in ay isugu dhawyihiin xisbul xaakimka Kulmiye,oo mar la hadal hayay in xil wasiirnimo ay u magacaabaan.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com