|

Dagaalka Sokeeye ee Syria oo laba Sano Jirsaday,iyo tirada dadka ku dhintay oo cirka isku shareertay

Dimishiq Mar 16,2013(SDN)-Colaada dalka Sria ee u dhexeysa xukuumada Bashar Al Azad iyo kooxo kacdoon wada aya laba sano jirsaday tiyoo ay cirka isku shareertay khasaaraha ka dhashay colaadaasi.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ka badan 70 kun oo ruux ay ilaa haatan ku geeriyoodeen dagaalada ka socda Syria.

Sidoo kale waxa dalkaas isaga hayaamay in ka badan 2 milion oo ruux oo qaxooti ku ah dalalka jaarka.

Beesha caalamka ayaa mudadaa ku kala qeybsaneyd xal u helida xaalada colaadeed ee Syriaa,waxaaney la kala safnaayeen dhinacyada is haya.

Sidaa si la mida Qaramada Midoobey ayaa ku guuldareysaya in ay iyana dhankeeda xal u hesho colaada laba jirsatay ee Syria.

SDN-Dimishiq

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed