Taliska Booliska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho
Muqdisho March 15 2013 (SDN)—Howlgalo balaaran ayaa ciidamada Booliska Soomaaliya waxa ay ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.
Degmooyinka Xamar Weyne, Xamar Jajab iyo xaafado tirsan degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa ciidamada Booliska dowlada federaalka waxa ay saakay ka sameeyeen howlagalo lagu soo qab qabtay dad aad u fara badan.
Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya ahna taliyaha waaxda dambi barista ee CIDa Gen. Cabdulaahi Xasan Bariise oo howlgalka kadib warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in howlgalka ka dhacay degmooyinka Xamar Weyne, Xamar Jajab iyo xaafado ka tirsan degmada Waaberi ay ku soo qab qabteen in kabadan 600 oo ruux isagoona xusay in baaritaan kadib dadkii lasoo qabtay badankood lasii daayey ayadoona 42 kamid ah dadkaasi loo gudbiyey xarunta CIDa baaritaano dheerna lagu sameyn doono waa sida uu hadalka u dhigaye.
Afhayeenka ayaa mar wax laga wediiyey falal amniga lidi ku ah oo habeenimadii xalay ka dhacay isgoyska KPP ayaa waxa uu sheegay in dad gaaraya ilaa sideed ruux iyo haub loo soo qabtay falkaasi, isagoona tilmaamay in dadkaasi ay baaritaano ku socdaan.
Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa waxa uu sido kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada lagu xaqiijinayo amaanka Magaalada Muqdisho.
Howlgalani maanta ka dhacay degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xili maalmihii dambe Magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen falal lidi ku ah amaanka, ayadoona qeyb ay ka aheyd dilalka qorsheysan.
SDN-Muqdisho