Baaq Canbaarayn Xadhiga ” Boqor Raabi” Waxa Diraaya Qaar Kamida Dhalinta Malaysia “Aadista Xamar Uma Aragno Jariimad” Maxa Lisanka Lo Siiyay Shirkadaha Diyaradaha Ee Taga. Hadi Ay Xaaran Tahay Tagisteedu.!
Ujeedo Baaq Canbaarayn Xadhiga Boqor Raabi.
Qaar Ka Mida Dhalinyarada Wadanka Malaysia Ku Sugan Ee Wax Ku Baratay. Iyo Kuwo Hadda WaxBarashadu
U Socotoba.Waxay Diraayaan Baaq Canbaarayn Xadhiga Boqor Raabi.Ugu Horayn Dhamaan Dadka Magacyadoodu
Hoos Ku Qoran Yihiin Waxay Cambaaraynaynaa Xadhiga Boqor Raabi Yussuf Cabdilaahi Kaasoo Mudo Dhawr Week
Ahba Ku Xidhan Magaalada Hargeisa.
Hadaba Hadii Aanu Nahay Dhalinyarada Magacyadoodu Hoos Ku Qoran Yahiin, Waxaanu Aad Ug Yaabanahay
Ficilada Xunxun Ee Ay Caadaysatay Maamulka Siilaanyo Kaasoo Aanay Waxba La Ahaynba In Madaxda
Dhaqanka Kuwa Aan Taageerin Iyada Inay Siday Doonto Ula Dhaqanto. Boqor Raabi Waxa Uu Ka Mid Yahay
Sulaadiinta Guud Ee Beelaha Koonfurta Iyo Badhtamaha Hargeisa, Waana Oday Wayn Oo Aad Ay U Ixtiraamaan
Umada Uu U Duuban Yahay. Iyo Dadyawga Ay Jaarka La Yihiinba. Wax Dhibaato Ahoo Uu Gaystayna Ma Jirto
Aadista Xamar Uma Aragno Inay Tahay Jariimad Waa Magaalo Somaliyeed Oo La Aadi Karo Waxaana Taga
Diyaarado Laga Leeyay S/Land Lafteeda. Waxay Tagista Diyaaradahaa Lisanka Ka Haysta S/Land Cadaynaysa
In Xidhiidh Jiro Ka Dhexeya Dadka Oo Dhan La Isuna Gudbi Karo. Hadii Ay Ganacsi Tahay Iyo Hadii Ay Tahay
Siyaarashoba.
Sidaa Aawadeed Waxaanu La Qabna Dhamaan Shucuubti Baaqyada Diraysay Tan Iyo Maalintii Boqorka La Xidhay
waxaanu Aad Uga Xanuusanaynaa Xadhiga Waxaanan Leenahay Maamulkaa Axmed Siilaanyo Horeba Waad U
Xidhay Boqorka Wax Macno Ahoo Ay Kuu Samaynaysaana Ma Jirto. Ee Sida Ugu Dhaqsaha Badan Xoriyadiisa
U Soo Celi.
Ugu Dambayn Waxaan Leenahay Dadka Wada Daga S/Land Walaalayaal Hadii Maalinba Beel Madaxa Laga Dilo
Oo Ka Kale Fiirsado Waxba Noqon Mayno. Dhibaatada Jirta Dadkoo Dhan Way Wada Gaadhaysa In Qabiil Loo
Tacasubo Oo Dadka Lagu Kala Qaybiyo Codbaa Laga Helay Kuwa Iyo Codba Laga Waayay Kuwa Meel Ku Gaadhi
Mayno. Waxaanan Rajaynaya In Sida Ugu Dhaqsaha Badan Xoriyadiisa Loogu Soo Celiyo Boqorka Si Bilaa Shuruud Ah.
Magacyada Dadka Baaqa Diraaya.
1 Mohamed Yussuf X Cabdi
Khaalid Boqor Raabi Yussuf
Barkhad Cabdi Xaashi
Ayaanle Osman Xuseen
Cadnaan Abiib Gudhane
Jamaal Deeq Cabdi
Cabdi Mohamed Ismail
Saleebaan Muse Saxil
Jamal Muxiyadi Awcali
C/Xakiin Mohamed Jees
Mubaarik Cali Deeq
Duale Ismacil Barud
Cabdirisaaq Ahmed Xusein
Osman Yussuf Cirro
Guuleed Haybe
Mubaarik Carab
C/Lahi Muxumed Farah
Fuad Cabdi Caydiid
Ridwaan Ahmed Digaale
C/Raxman Mohamed Hasan
Xamse Osman Cabdi
Ahmed Cabdilahi Maxamud
Bashiir Mohamed Daahir
CabdiFatax Xasan Osman
Wabilaahi Tawfiiq