|

Raiisul Wasaare Saacid:Ma Dalban in Marekanku aanu Maxkamadeyn Gen Cali Samatar balse …

Muqdisho Mar 15,2013(SDN)-Raiisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa dafiray in uu dhawaan warqad uu u qoray Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka ku codsaday in Xasanad la sooyo Gen Cali Samatar oo qirtay denbiyo dagaal oo hore uga dhacay Hargeysa.

Raiisul Wasaare Cabdi Shirdoon Saacid ayaa mar uu khudbad ka hor jeedinayay golaha baarlamaanka ee maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu sheegay in Mareykanka uu ka codsaday in lagu maxkamadeeyo Gen Cali Samater Soomaaliya.

“Mareyknaka waxaan ka codsanay in Masuulkaa hore lagu maxkamadeeyo dalkiisii hooyo sida ku xusan dastuurka dalka,xaalkuna ma aha sida ay saxaafadu u daabacday”ayuu yiri raiisul wasaaruhu.

Gen Samatar ayaa maxkamad Mareykanka ku taal ka hor qirtay in uu lahaa masuuliyada dadkii shacabka ahaa ee sideetamaadkii dawladii dhexe ee Siyad bare ku leysay magaalada Hargeysa.

Maxkamada ayaa dhibenayaashii denbiga Cali Samatar ku soo oogay waxa ay u xukuntay maliiyiin dollar oo magdhaw ah.

Mareykanka ayaa xasanada Dibluasiyadeed ka xayuubiyay Gen Cali Samatar oo hore u soo ahaa wasiirka difaaca iyo raiisul wasaaraha Soomaaliya.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed