|

Wasiirka Hawlaha Guud oo beeniyay in La iibiyay Guryo ku Yaal Xaafada Shacabka ee Hargaysa

 

Hargaysa 14.March (SDN) Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo Guriyeynta Mud, Axmed Cabdi maxamuud (xaabsade) ayaa   waxba kama jiraan ku tilmaamay  war lagu qoray wargayska HUBAAL  ee ka soo baxa magaalada Hargeysa cadadkiisii soo baxay maanta, kaas oo wargaysku ku sheegay in dhulkii loo yaqaanay Guryaha kal-kaaliyayaasha caafimaadka ee ku yaalay xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa uu ka Iibiyey wasiirka hawlaha Guud iyo Guriyeynta S/land  dad ganacsato ah.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mud, Axmed Cabdi xaabsade,oo maanta war-baahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa,ayaa ku tilmaamay warkaasi wargaysku qoray,inuu yahay been aan wax-ba ka jirin. Waxaanuu sheegay in  aanu  iibin dhulkaasi, isla markaasina xaraashin sida wargaysku sheegay waxaanuu ka dalbay wargayska HUBAAL inuu cadayn buuxda ka keeno warkaas uu qoray.

Hargaysa SDN

qurbejoog@gmail.com

Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo Guriyeynta Mud, Axmed Cabdi maxamuud (xaabsade) ayaa   waxba kama jiraan ku tilmaamay  war lagu qoray wargayska HUBAAL  ee ka soo baxa magaalada Hargeysa cadadkiisii soo baxay maanta, kaas oo wargaysku ku sheegay in dhulkii loo yaqaanay Guryaha kal-kaaliyayaasha caafimaadka ee ku yaalay xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa uu ka Iibiyey wasiirka hawlaha Guud iyo Guriyeynta S/land  dad ganacsato ah.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mud, Axmed Cabdi xaabsade,oo maanta war-baahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa,ayaa ku tilmaamay warkaasi wargaysku qoray,inuu yahay been aan wax-ba ka jirin. Waxaanuu sheegay in  aanu  iibin dhulkaasi, isla markaasina xaraashin sida wargaysku sheegay waxaanuu ka dalbay wargayska HUBAAL inuu cadayn buuxda ka keeno warkaas uu qoray.

Comments are closed