Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Garoonka Muqdisho kula kulantay Safiiro ka socda Caalamka
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimasda dalka kulan ku yeeshay qaar kamid ah Safiirada wadamada daneeya Soomaaliya oo ay ku jiraan Yurub safiiradooda iyo Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya.
Waxa ay sheegtay inay safiiradaan ay ka badan yihin ilaa iyo 50 safiir oo ka kala socda wadamada Midowga Yurub iyo wadamo badan oo daneeya Soomaaliya.
Nikayd agaasimaha bariga Afrika ee dowlada ingiriiska oo isna warbaahinta la hadlay ayaa yiri.
“Tani iminka waxay tahay markii ugu dambeysay oo hay’ada caalamiha ay si wadajir ah ula ahaan lahaayeen dowlada Soomaaliya,ka hor shirka London bisha May,maanta waxaan rajaynaynaa inaan sameyno horusocad dhab ah kuu wajahan waxyaabaha muhiim ah, dhamaanteen waxaan u baanahay qorshe wanaagsan, shacab wanaagsan,waxaan kale oo aan u baahanahay lacag fiican ,waxaana dhamaan ay la mid tahay muhiimada koowaad oo ah midnaan ama isku xirnaan,shirna London wuxuu ahaan doonaa mid loogu midoobo hayadaha caalamiga sidii ay u taageeri lahaayeen qorshaha iyo shacabka Soomaaliyeed.
Tan iyo wixii ka dambeeyay aqoonsiga dowlada Soomaaliya ay ka heshay beesha caalamka ayaa waxaa isa soo tarayay taageerada dowlada Soomaaliya ay ka helayso beesha caalamka.