|

Falaagada PKK oo sii daysay maxaabis Turki ah oo ay haysteen

Istanbul Mar 14,2013(SDN)-Kooxda maleeshiyada Kurdiyiinta ee loo yaqaano PKK ayaa sii daayey siddeed Turki ah oo iskugu jiray askar  iyo hawl wadeno kale oo xukuumada u shaqeeynayey, kuwaasi oo muddo  laba sanno ah ay  afduub ugu heysteen  dhinaca woqooyi ee Ciraaq.

Mr.Husamettin Zemberlioglu,oo ah siyaasi Turki ah ayaa sheegay maxaabiistaasi oo bad qabta inay soo gaadheen gudaha Turkiga . Talaabadaasi ayaa loo arka in ay qayb ka tahay   dedaalka lagu doonaayo in lagu soo afjaro dagaalka mudada ku dhaw soddonka sanadood u dhaxeeyey ciidamada Turkiga iyo kuwa jabhada  Kurdiyiinta ee PKK.

Sidoo kale wakalada wararka u faafisa Turkiga ee  Anatolia , ayaa kusoo warantay in maxaabiistaasi lasoo wareejiyey .

Bishii hore ayuu hogaamiyaha xidhan ee PKK Cabdalla Cujlaan uu ku baaqay in la siidaayo dhamaan maxaabiista  ay kala hayaan  labada dhinac.

Raysal wasaare ku xigeykanka dawlada Turkiga , Besir Atalay, ayaa soo dhaweeyey siidaynta maxaabiistaasi , waxaanu ku tilmamay mid niyad wanaag ah, waxaanu intaasi ku daray isagoo sheegay in hanaanka tubta nabadu uu yahay mid si fiican u socda.

Xoogaga Kurdiyiinta ee PKK ayaa dagaalo ay kula jireen ciidamada Turkiga tan iyo sanadkii 1984kii ay sababeen dhimashada dad badan oo iskugu jiray ciidan iyo rayidba.

SDN-Istanbul

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed