Shan ka tirsana booliska Kashmiirta–Hindiya oo weerar lagu Laayay
Srinagar Mar 14,2013(SDN)-Ugu yaraan shan ka tirsanaa ciidamada amaanka ee Hindiya ayaa lagu dilay weerar ka dhacay xarun boolis oo kutaalay meel u dhaw iskuul ku yaala magaalada Srinagar ee qaybta Hindiya maamusho ee gobolka Kashmiir.
Booliska Hindiya ayaa sheegay rag dablay ahi in ay garneylo ku werareen askartaasi, halkaasina uu ka dhacay dagaal rasaas la isweydaarsaday , boolisku waxay intaaasi ku dareen laba ka tirsanaa dablaydii weerarka soo qaaday in halkaasi lagu dilay, shan ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi , kuwaasi oo saddex ka mid ahi ay ahaayen dad rayid ah.
Gobolkaasi waxaa ka jiray kacdoono hubaysan oo ka dhan ah xukunka Hindiya, kaasi oo soo taxnaa tan iyo 1989kii, hase ahaate heerka qulqulatada ayaa hoos u dhacday sanadadii ugu dambeeyey.
Ma jirto ila haatan koox ku dhawaaqday in ay ka masuul yihiin weerarkaasi.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka dhaca dhulka Kashmiir ee Hindiya maamusho muddo saddex sanadood ah, waana gobol ay lahaanshihiisa ay ku muran sanyihiin wadamada Hindiya iyo Bakistaan.
Goobta haatan la weeraray ayaa aheyd meel ay deganaayeen ciidamo boolis ahi.
SDN-Srinagar
contact@somalidiasporanews.com