|

Kulan noociisu u horeeyay oo lagaga arrinsanayo Horumarinta Gobolada bari oo Hargaysa lagu qabtay

Hargaysa 13.March (SDN) Shir balaadhan oo  lagaga wada hadlayey  Sidii looga Midho dhalin lahaa Adeegyada Horumarka ee Gobolada Bari ee Somaliland ayaa manta lagu qabtay xarunta wasaaradda Qorsheynta qaranka ee Magaalada hargaysa.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen wasiirada wasaaradaha gaashaandhiga , Ganacsiga, Beeraha, hawlaha guud, wasiirul dawlaha gobolada Bari, wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta iyo biyaha oo ay wehelinayeen  gudoomiyayaal ku xigeenada labada gole baarlamaan iyo xildhibaano kale ayaa wasiirka wasaaradda qorsheynta qaranka Dr sacad Cali shire oo kulankaasi furay waxa uu sheegay in kulankan  lagu daraasadaynayo sidii gobolada bariga Somaliland loo gaadhsiin lahaa mashaariicda waxqabad iyo kuwa horumarineed.

Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiirul dawlaha nabadgelyada ee Gobolada bari Md Keyse cabdi Yuusuf, wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Biyaha C/salaam maxamed xasan  oo kulankaasi hadalo ka jeediyey ayaa dhamaantood ku adkaystay in loo baahan yahay in la helo qorshe nadaamsan oo isku xidhan oo lagaga qayb qaato horumarin kasta oo lala damacsan yahay gobolada bari ee Somaliland, halka sidoo kalena ay u soo jeediyeen hay’adaha caalamiga ah inay si degdeg ah uga hawl galaan goboladaasi.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Cadaaladda Somaliland md Axmed Cabdi casoowe oo loo xilsaaray isku duwidda barnaamijyada iyo qorshayaasha lagaga hawlgelayo horumarinta gobolada bariga Somaliland ayaa isna madashaasi ka sheegay in ay lama huraan tahay in laga wada shaqeeyo sidii adeega horumarineed loo gaadhsiin lahaa gobolada loo qorsheynayo.

Waa Markii u horaysay ee Kulan noocan ah oo lagaga tashanayo horumarinta Gobolada bari oo dalka intiisa kale ka danbeeya lagu qabto Magaalada Hargaysa inkasta oo aan la cadayn Qoondadii Dhaqaale ee Boqolkiiba laba ee Horumarinta Gobolada bari Sida loogu Jaangoynayo Mashaariicda Horumarineed ee Deegaamadaasi u Ooman yihiin.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

 

 

Comments are closed