Galmudug oo sheegtay in kulankii ay R/wasaaraha la qaateen uu ku dhamaaday Fashil
Gaalkacyo March 13 2013 (SDN)— Maamulka Galmudug ayaa daboolka ka qaaday in kulan ay Magaalada Gaalkacyo kula qaateen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ku dhamaaday isfaham daro kaddib markii Ra’iisul wasaaruhu uu sharuudo adag dhul dhigay Maamulkaasi.
Wasiirka Warfaahinta Maamulka Galmudug, Axmed Maxamuud Xasan Baasto oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ay isku afgaran waayeen dhawr arrimood oo ay kawada hadleen kuwaasi oo ku adanaa Amaanka iyo qaadista khadka cagaaran ee Galkacyo ka sameysan.
Xubno ka qeybgalay kulankii Ra’iisul wasaaruhu la qaatay Galmudug ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu u sheegay Madaxweynaha Galmudug in labo arrin midood ay sameeyaan 1-in ay ku biiraan Puntland ama in ay ka midnoqdaan Maamul loo sameeyo gobolada dhexe.
Mas’uuliyiin Galmudug ayaana arrinkaasi siweyn uga carooday waxa ay ku tilmaameen arrin aah u qalmin uu Ra’iisul wasaaruhu ku yiraahdo.
Inkastoo Ra’iisul wasaaruhu sheegay in socdaalkiisii gobolada in uu guul ku soo dhamaaday hadana waxaa muu qaneysa wali in uu jiro khilaaf weyn oo dowladda heysta kaasi oo ku aadan xalinta Galmudug oo waligeed dowladda la shaqeyn jirtay.
SDN-Gaalkacyo