|

Maraykanka oo Gacan ka geysanaya Tababarida Ciidamada iyo La dagaalanka Burcad Badeeda

Washington March 13 2013 (SDN)—Dalka Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa balan qaaday inay siiwadi doonaan taageerada Malitari ee la siinayo Xukuumada Soomaaliya oo ku guda jirta dib u dhiska Ciidamadeeda.

Mareykanka ayaa sheegay in si rasmi ah uu soo noqday xariirkii Soomaaliya iyo Mareykanka ka dhaxeeyay,kaasi oo mudo sanado ah hakad geliyay dagaal aafeeyay shacabka iyo dalka.

Xukuumada Washitong oo dhawaan si rasmi ah u aqoonsatay Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa tibaaxday in Soomaaliya iminka u hamuun qabto dhisida ciidamada Qaranka si ammaanka dalka ay u hantaan,waxayna hoosta ka xariiqeen inay ka qeyb qaadan doonaan tababarida iyo Qalabeynta ciidanka Soomaaliya.

Sidoo kale dowlada Mareykanka oo ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in kaliya aysan ku koobneyn caawinta Soomaaliya xaga dhulka,balse qeyb ay ka qaateen la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida hadana sheegay inay sii laba jibaari doonaan.

Mas’uuliyiinta dowlada Soomaaliya ayaa iyaga waxay hardan ugu jiraan sidii dunida hormartay kaga dhaadhicin lahaayeen in la taageero Xukuumadaan cusub ee iminka Soomaaliya u dhalatay.

Dhamaan Reer galbeedka ayaa balan qaaday inay garab istaagsan yihiin Xukuumada Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Ugu danbeyntii Mareykanka ayaa si gaar ah u taabtay Qatarta burcad badeeda Soomaalida,waxayna sheegeen inay kala shaqeyn doonaan Ciidamada ilaallada Xukuumada Soomaaliya sidii meesha looga saari lahaa.

Comments are closed