|

Madaxweyne Faroole oo Guddi u xilsaaran Lacagaha Shilin Soomaaliga ah

Garoowe March 13 2013 (SDN)— Maamulka Puntland ayaa Guddi uxilsaaraya lacagaha shilin Soomaaliga ah ee laga isticmaalo deeganada maamulka Puntland xilli maalmahan dambe hoos udhac laga dareemaye lacagaha laga isticmaalo koonfurta dalka Soomaaliya.

Sida uu warbaahinta usheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) maamulka Puntland ayaa lacagaha shilin Soomaaliga usameynaya guddi ku sameeya dabagal.

Wuxuu sheegay in Puntland waqti ka yar hal bil ay ku keensan doonto Lacag Sh,Soomaali ah si looga hortago isbedel dhanka Sicirka lacagta ah oo Puntland kusii balaarta iyadoo go’aankaas ay wada gaareen buu yiri guud ahaan masuuliyiinta Maamulka Puntland.

Cabdi Ibraahim Warsame Wasiir ku xigeenka Wasaarada maaliyada Puntland wuxuu kaloo sheegay in Madaxweynaha Puntland uu 24-ka saac ee soo socda uu Gudi qaran soo magacaabi doono kaasi oo ka tashada una kuurgala arimaha ganacsiga iyo isbedelka Sicirka Puntland iyo sidoo kale inuu ka hortago Lacago Shilin Soomaali ah oo u gudba Koonfurta sida uu Wasiirku yiri.

Shalay ayeey aheyd markii ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ay gacanta ku dhigeen lacago shilin Soomaali ah oo sida la sheegay loo waday koonfurta dalka Soomaaliya.

SDN-Garoowe

Comments are closed