|

Meydadka 4-ruux oo la dilay oo saakay lagu Arkay Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir

Muqdisho March 13 2013 (SDN)— Maydadka 4-Nin oo dhalinyaro ay ku jirtay ayaa saakay lagu Arkay Xaafada Gubta ee degmada deyniile.

Sida ay dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen Maydadka 4-qof ayaa saakay lagu arkay Xaafada Gubta ee degmada Deyniile, kuwaasi oo xalay la soo dhigay iyagoo la soo didlay.

Maydadkan ayaa jirkooda waxaa ka muuqanaya Rasaas laga la dhacay Madaxa iyo qeybaha kale ee Jirka, waxaana la tilmaamay in ay ahaayeen Niman dhalinyaro u badan.

Qaar kamid ah Ehelada dadkan la dilay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in Ragani ay gacanta horay ugu hayeen Ciidanka dowladda Soomaaliya madaama ay ka soo goosteen Xarakada Al Shabaab ee dowladda ka soo horjeeda.

Midka mid ah Meydadka la arkay ayaa la sheegay in lagu Magacaabo Cabdi Majiid Cali Saald kaasi oo ah Nin dhawaan ay soo bandhigtay Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed.

Ragan ayaa dhamaantood horay uga soo goostay Xarakada Al Shabaab waxaana la sheegay in qaarkood lagala soo baxay Isbitaalo ay ku jireen inkastoo aan la xaqiijin arinkaasi.

Dadka ku nool Gubta ayaa muujinaya walwal dheeri ah Maadaama 24-saac ee la soo dhaafay ku dhawaad 10-Meyd lagu arkay halkaasi waxaana ay tani qeyb ka tahay falalka Amni dari ee Maalmihii danbe ku soo kordhayay Magaalada Muqdisho.

Comments are closed