Tvga qaranka somaliland qaybtiisa Yurub oo si lama filana hawada uga baxay Cawa lana garan maayo sababta
London 13March13(SDN)Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa caawa gebi ahaanba markeliya hawada laga waayey kana baxay isagoo hawada ka maqna muddo ku siman laba saacadood.slntv shaashadda telefishanka ayaa sidaad sawirka ka arkaysaan waxaa keliya ka muuqday callaamadda telefishanka iyo magaca telefishankaasi loo yaqaano, waxaana dhawr jeer shaashadda soo gallay shucaac iyo isku dhex yaac dhinaca sawirka ah.
Waxaana dhawr jeer dib uu telefishanku hawada ugu soo laabtay laakiin markasta waxaa uu haddana ka baxaayey hawada taasi oo muujinaysay in cilad dhinaca farsamada ahi ay telefishanka haysato,waxaan isku daynay in aan la hadalo xafiska London waxa noo surta gashay in anay cid shaqale ku sugnayn
Telefishanka somaliland ayaa Studio ku leh caasimada wadankan uk ee london oo hadii dhinaca farsamada ciladi ku timaado loogu tala galay in laga hago ayaa wax shaqale ama wariyaali anay ka jirin iyada oo shaqale gadhaya 15xubnood mushahar ku qataan siiba Haween aad u tiro badan oo aan khibrad u lahayn saxafada shegayna inay la taliyaal u yahiin tvga qaranka somaliland, waxii wara ee ku soo kordha kala soco qurbe joogcom
qurbejoog.com
Uk London