|

Wasiirka Cadaalada oo Tababar u Furay Xubno isugu Jira Garsoorayaal iyo Xeer ilaaliyeyaasha Ciidamada

Hargaysa 12.March (SDN)  Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa Maanta tababar uga furay Magaalada Hargaysa Shan iyo labaatan xubnood oo isugu jira Garsoorayaal iyo Xeer ilaaliyeyaal ka tirsan Ciidamada qalabka sida.

Tababarkan oo Sadex Cisho Socon doona ayaa Ujeedadiisu la xidhiidhaa sidii loo sii xoojin lahaa aqoonta Garsoorayaasha iyo Xeer ilaaliyeyaasha Ciidamada iyo habka ay u socdaan dacwadaha eedaysanayaasha ku jira Xabsiyada dalka,waxaana si wada jir ah isaga kaashanaya Wasaarada Cadaalada iyo Hay’ada Qaramada Midoobay Unpos .

Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay mudo dheer ku taamaysay sidii ay kor ugu qaadi lahayd aqoonta garsoorayaasha iyo Xeer ilaaliyeyaasha Maxkamadaha Ciidamada,isagoo sheegay in Wasaarada Cadaalada ay Xidhiidhiso laamaha kala duwan ee Garsoorka Somaliland,Wasiirku waxa uu intaas ku daray in aqoon isweydaarsigani yahay kii ugu horeeyay ee loo furo garsoorayaal iyo Xeer ilaaliye yaal ka socda Ciiddamada qalabka sida.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Cadaalada Maxamed Muuse Galaydh ayaa kula dardaarmay Xubnaha ka qayb qaadanaya tababarkan in duruusta ay ku qaadanayaan ay ku dabaqaan hawlaha shaqo ee ay qaranka uga mas’uulka yihiin.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Xasan sugule iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Ibraahin Xaaji Cabdi .

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

 

 

Comments are closed