|

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo soo Kormeeray Mashaariic biyo galineed oo laga hirgalinayo deegaanka Xaraf

Hargaysa 12.March (SDN) Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Ahna ku Simaha Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirada wasaaradaha Arimaha Gudaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta biyaha oo uu la socday maareeyaha wakaaladda biyaha ayaa maanta kormeer ku soo maray halka uu ka socdo mashruuca biyo gelinta caasimadda oo ka socda deegaanka Xaraf ee Duleeda magaalada Hargaysa.

Mashruucan biyo gelinta oo ay si wada jir ah u fulinayaan wakaaladda Biyaha hargaysa iyo Hay’adaha UNHCR< TS iyo shirkadda ganacsiga wadaniga ah SBI ayaa ah mashruuc biyo gelineed oo balaadhan oo loogu talo galay inuu ka haqab tiro biyaha saafiga ah ee la cabbo xaafadaha ka tirsan caasimadda qaarkood sida AYAX 1 , AYAX 2 iyo Sh CUMAR.

Madaxweyne ku xigeenka JSL MD Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  oo hadal kooban ka jeediyey madasha mashruucu ka soconayo ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay biyo gaadhsiinta xaafadaha danyarta ah ee caasimadda iyo guud ahaan dalka, isagoo Madaxweyne ku xigeenku xusay in mashaariicda noocan ahi ay qayb ka yihiin siyaasadda xukuumadda soaliland eek u aaddan kor u qaadista nolosha qoysaska Somaliland.

Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Engineerka mashruucaasi Eng Khaliif Cabdilaahi, Maareeyaha wakaaladda Biyaha  Md Ibraahim siyaad iyo wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha md Cabdisemed ayaa dhamaantood iyana halkaasi ka faahfaahiyey ahmiyadda mashruucan iyo ujeedooyinka laga leeyahay .

Dhanka kalena madaxweyne ku xigeenka JSL intii uu kormeerkiisa ku jiray waxa uu dhagax dhigay dhismaha  Berked weyn oo loogu talo galay in lagu kaydiyo biyaha mashruucaasi soo ka soo saarayo deegaanka Xaraf laguna soo gaadhsiinayo xaafadaha caasimadda qaarkood.

Hargaysa SDN

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed