Maydadka Rag dhalinyaro ah oo saakay lagu Arkay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir
Muqdisho March 12 2013 (SDN)– Maydadka labo wiil oo dhalinyaro ah ayaa saakay lagu arkay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir sida ay dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo aan taleefanka kula xiriiray ayaa ii xaqiijiyay mid kamid ah medadka laga helay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, halka midka kale laga helay xaafada Siliga ee isla degmadaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in labada qof ee meydadkooda la helay mid kamid ah gaari laga tuuray islamarkaana ay dadka deegaanku Aqoonsadeen, waxaana ay intaasi ku dareen in mid kale si toos ah loogu toogtay degmadaasi.
Lama garanayo sababaha ka danbeeyay dilka labadan ruux iyo cida falkan fulisay laakiin arintan ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa falalka Amni doro ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
SDN-Muqdisho