|

Soomaali Qaxootinimo ku soo Maray Israel oo sheegay in aanu wax midab iyo Diin Takoora arag

New York Mar 12,2013(SDN)-Nin Soomaali ah oo mudo shan sanadooda  qaxootinimo ku joogay dalka Israel ayaa kulan taageero loogu muujinayay dalkaasi waxa uu ka sheegay in mudadii uu halkaa ku noolaa aanu aragy wax midab iyo Diin takoor ah.

Daahir Dhudi ayaa ka dib kolkii dhamaan reerkoodii ay ku dhinteen dagaaladii Sokeeye waxa uu u tahriibay dibeda.

Daahir iyo walaakii ayaa mudo ku noolaa sida uu kulanka ka sheegay dalka Masar oo uu sheegay in uu cadaadis kala kulmay dadka dalaaksi ku nool.

Kulankan taageerada Israel loogu muujinayay ayaa lagu soo beegay xili qaar ka mida Jaamacadaha caalamka lagu qabto kulamo loogu magacdaray Sahnuuniyada Israel ama Israel Apartheid”.

“Ebid maan la kulmin faquuq iyo isir naceyb mudadadii aan Israel ku noolaa” ayuu kulanka Daahir ka sheegay.

“Hadii aan dib ugu noqdo Soomaaliya,waxaan hubaa in la i dilayo”ayuu yiri Daahir oo ka soo jeeda beelaha lagada tirada badan yahay ee ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya.

” Ma aha halka aad aad ka soo jeedo ee waa cida aad ka soo jeedo”ayuu Daahir Dhudi yiri mar kale.

Daahir waxa uu sheegay in uu isaga iyo walaalkiiba ay Masar isaga yimaadeen ka dib kolkii la dilay labo Soomaali ah halka walaalkii iyo nin kalena Cisbitaal la dhigay.

Soomaalida ayaa la weeraray ka dib kolkii ay ku tiirsadeen Gaari uu leeyahay nin Masaari ah.

Ka dib buu yiri waxaanu baaritaan ka dib ogaanay in Israel aaney aheyn sida Masaaridu ku sheegaan,ka dibna waanu tagnay.

Waxaan shaqo ka helay Maqaaxi halka walaalkeyna uu shaqo ka helay Hotel,waxaan wanaag aheyna maanu arag ayuu raaciyay.

Daahir Dhudi ayaa intii uu joogay Israel waxa uu qaatay culuunta nidaamka Dawladeed iyo ka Diblomaasiyada,haatana waxa uu New York u joogaa in uu qaato shahaadooyin dheeri ah.

Daahir waxa uu sheegay in ay jiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin Shaqo  iyo Guryo la’aan oo soo wejaha qaxootiga ku nool dalka Israel.

In ka badan 60 kun oo qaxootiya oo African u badan ayaa ku nool Israel,dawlada dalkaasina waxa ay dhawr jeer damacday in dadkaasi dalalkoodii dib loogu celiyo.

SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed