Sideed arday oo Noloshoodu halis gashay kadib markii ay ku Sumoobeen Curiyayaal Kimiko oo yaalay dugsi ku yaal Magaalada Badhan
Hargeysa 11.March (SDN) Sideed arday oo Wax ka baranayay Dugsiga Sare Maxamud Cali Shide ee Magaalada Badhan ayaa noloshooda Khatari la soo deristay kadib markii ay Si Khaldan u Isticimaaleen maanta barqadii Curiyeyaal Kimiko ah oo yaalay Qaybta Shaybaadhka ee Dugsigaas .
Sidaana Waxaa Khadka Telefoonka ugu Xaqiijiyay Shabakada Wararka ee Qurbejoog.com Maayarka Magaalada Badhan Faysal C.laahi Faatax , Sideedan arday,ayaa Sadex ka Mid ah ay Xaaladoodu Culus tahay Waxaanu Sheegay in dhinaca magaalada Ceerigaabo looga soo Wado Ogsojiinta naqaska .
Maayarka Magaalada Badhan waxa uu baaq u diray Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland oo uu ka dalbaday inay Gar gaar deg deg ah loo gaadhaan.
Dhinaca kale Maayarka Magaalada Badhan Faysal C.laahi Faatax waxa uu Xusay in Xaalada biyaha ee magaalada badhan ay aad u adag tahayisla markaana uu kor u kacay Qiimaha Foostada biyaha ah oo maraysa Sida uu yidhi Lix dollar waxaanu Xukuumada iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee kale ka dalbaday inay Gurmad la soo gaadhaan dadka iyo duunyada ku nool magaaladaas.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com