Baaq Ururka Somaliland United Forum
Baaq Ururka Somaliland United Forum
Ururku wuxu ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee wada dagan Gobalka salel in Khilaafka iyo Dhibaatada ka dhax-ogantay/ dhexdhacday Maal mahan la so dhaafay in ay Nabad iyo Isafgarad ku so Afjaraan.
Xukumadana ugu baaqaynaa in shacabka Gobalka Salel tusaan Hogaan Wanaag, Xilkasnimo iyo Xilgudasho Dhab.oo so celisa Kalsoonidii Shacabka Dhexdooda dhinac iyo Xukumada iyo Shacabka dhinaca kale.
Waxaanu Tallo ahaan u so jedinayna Saddexda Dha- Dhaar ee Qaranka Somaliland Salka iyo asaasga uh marka laga reebo shacabka . Oo kala ah Xeer –dhajinta, Waaxada Karsoorka iyo Fulinta oo ah Xukuumada .In anay Isku- Milmin, si Siman oo waafqsan Datuurka iyo Xeerka Dalka u Wada Shaqeeyaan. Waxaanu Si gaar ah ugu Baaqaynaa Xeer- Dajinta iyo Waaxda Karsoor inay shaqadooda u gutaan Hagarsho iyo Habrasho La’aan si Waafaqsan Madaxa- Banaanida iyo Wajibaadka Dastuurka iyo xeerka dalku siiyay. Xukumaduna ku egaato Xadka Dastuurka iyo Xeerku u jeexay
Waxa Mudin in ay Xukumadu tixgaliso Xuquuqda Warbaahinta iyo Wariyaasha iyo Xuquuqda Muwadiniinta Reer Somaliland Wadar iyo Waaxidaba.
Gaba gabadii waxaanu Xukuumada ka dalbayna in ay ooda ka qaado ,xoriyadoodiina uso celiso dhamaan Muwadiniinta ay xukuumadu ku xad gudubtay Xuquuqda Dastuurka iyo Xeerku siiyey.
Sida Wariyaasha xidhin oo u ka midyahay Wariye Maxamad Dirir oo .Caynaba u fadhiya Talafeeshinka “Somali Channel” oo Xaruntiisu tahay “ London”. Wariye Maxamad Dirir oo Xidhan Sagaal Maalmood Maxakamad La’aan.Iyo Muwadinad Nadra Maxamad oo u xidhan Aflagaado “Wasiirka Madaxtooyada “ laguna xukumay Sideed bilood .
Waa Bilaahi Tawfiiq
Afhayeen Ibrahim Hussein