Kulan lagu falanqaynayo dardargalinta hawlaha Wacyigelinta iyo baafinta ee Ururka bisha Cas
Hargaysa 11.March (SDN) Shir howleed socon doona mudo laba maalmood ah, lagagana hadli doono horumarinta howlaha Baafinta iyo wacyi-gelinta Bisha cas ee somaaliland,kana soo qayb galeen Gudoomiyayaasha gobolada iyo maamulayaasha xafiisyada baafinta iyo waxcyi-gelinta ee Gobolada iyo degmooyinka qaarkood ayaa maanta lagu qabtay Huteel maansoor ee magaalada Hargeysa.
Furitaanka shir howleedkan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka socda Hay’ada caalamiga ah ee Laan-qayrta Cas, waxa ugu horayn halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Bisha Case e Somaaliland Mud,Axmed Cabdi Bakaal, waxaanuu sharax dheer ka bixiyey howl-qabadka bisha cas iyo dedaalkeeda ku wajahan horuumarinta howlaha ay bisha Casi qabato, in ksata oo uu sheegay in ay jiraan degmooyin haatan gobiolo ah oo aanay masuuliyiinta u joogaa lahayn xafiis Rasmioya, isla markaasina aanay guno qaadan,arimahaasi wax ka qabashadooduna ay u taalo ayuu yidhi Mud, Bakaal hay’adda laan-qayrta Cas.
Axmed cabdi Bakaal Gudoomiyaha Bisha Case e S/land oo ka hadlayey ujeedada shir-howleedkan waxa uu sheegay in lagu falan qayn doono mudada uu socdo dar-dargelinta Howsha baafinta iyo Wacyi-gelinta, waxaanuu xusay ,in howshani ay tahay dhaqanka Gundhiga u ah howlaha Bilaha Cas iyo laan-qayrta Cas. Rtaasi oo uu xusay in horumarinta howsha wacyi-gelinta iyo Baafintu ay tahay ta ay ku jirto horumarinta Ururka Bisha Cas. Waxaanuu ka qayb-galayaasha u soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan mac-luumaadka lagu qaadan doono shir-howleedkan, howlahooda shaqo-na ay ku dabaqaan mac-luumaadka ay ka korodh-sadaan.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Madaxa xafiiska Baafinta Bisha Cas Mud, C/llahi siciid Muxumed.waxaanuu tafaasiil ka bixiyey ujeedada qabashada shir-howleedka iyo ujeedada qabashadiisa. Waxaanuu halkaasi mahad-naq uga soo jeediyey ka soo qayb galayaasha shir-howleedkan.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com