|

Saacid Farax: Puntland waa in ay taageertaa Aqoonsiga Maraykanka iyo qaadista xayiraada hubka Soomaaliya

Garoowe March 11 2013 (SDN)—Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo shalay la hadlay Xildhibaanada Maamulka Puntland ayaa waxa uu ka dalabaday maamulkaasi in ay laba jibaaraan taageerida dowladda iyo wada shaqeyntaba.

C/farax Shirdoon ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in Maamulka Puntlandi in ay tageeraan Aqoonsiga Maraykanku uu u fidiyay dowladda Soomaaliya taasi uu sheegay in juhdi iyo dadaal badan loo soogalay.

Mr. Saacid ayaa xusay in Puntlandi sidoo kale loo baahanyahay in ay taageeraan Xayiraada hubka ee laga qaaday Soomaaliya taasi oo uu ku micneeyay in ay tahay mid miradhal u leh dhamaan Umada Soomaaliya si looga difaaco kooxo uu sheegay in ay Qatar ku yihiin qaranimada dalka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho ku jooga Garoowe, taasi oo uu uga goleeyay soo celinta wada shaqeynta dowladda iyo gobolada kala duwan ee dalka.

Horay maamulka Puntlandi ayaa uga soo horjeestay in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka waxaana ay sidoo kale dhaliilsanaayeen siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa.

SDN-Garoowe

Comments are closed