Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo dhagax dhigay Xarun Dugsi Boodhin ah oo loo dhisayo Caruurta Naafada ah
Hargaysa 10.March (SDN) Wasiirka wasaarada Qorsheenta JSL Mudane Sacad Cali Shire ayaa maanta Dhagax Dhigay Xaruun Dugsi Boodhin ah oo wax lagu Barayo Caruurta naafada ah ee Somaliland .
Gudoomiyaha Ururka Naafada Han Marwo Nuura Maxamud Nuur oo halkaaasi ka hadashay ayaa ka warantay Muhiimada dhismaha Xaruntani u yeelan doonto caruurta naafada ah.
Gudoomiyaha Dalada SNDF Mukhtaar Cismaan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in markii u horaysay Somaliland laga hirgaliyo Xarun ay Wax ku baran doonaan Ubadka naafada ah.
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa dhiniciisa ka sheegay sida ay Waajib u tahay in Xil la isaga saaro wax u qabadka dadka naafada ah isagoo xusay dadaalka Xukuumada ee Ku aadan u gar gaarida dadka naafada ah.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Agaasimaha Wasaarada iyo Gudoomiyaha Wakaalada Qurbo Jooga oo soo dhaweeyay hirgalinta Xaruntan oo wax weyn ka tari doonta baahi jirtay.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com