|

Weftigii Madaxweyne Siilaanyo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Turkiga iyo Galabta oo la filayo inuu bilaabmo wada hadaladii labada dhinac

Hargaysa 10.March (SDN)  Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxmed maxamud Silaanyo Iyo waftigii Uu Hogaaminayay  ayaa Caasimada wadanka  turkiga ee Istambul gaadhay  iyada Madaxweynaha Iyo waftigisa Si diiran loogu Soo Dhaweyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigiisa ayaa lagu qaabilay Soo dhawayn iyo Hab Maamuus dhamaystiran Sidaana Waxaa lagu Sheegay  War qoraal ah oo laga soo saaray Socdaalka Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland kaas oo u dhignaa Sidan:- “Madaxweynaha Jsl iyo waftigii uu hogaaminayay oo hada ku sugan magaalada stambul ee dalka turkiga ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalkaasi.

Waxaana lagu soo dhaweeyey soo dhawayn heersare ah, waxaana lagu galbiyay gawaadhi gaar u ah waftiga madaxweynaha jsl, waana markii ugu horeysay ee somaliland wafti ka socda sidaasi loogu qaabilo dalka Turkiga, saacadaha soo socda waxa uu madaxweynuhu u socdaalayaa magaalada ankara si uu usii wato hawlihiisa shaqo waxaanu la kulmi doonaa ra’isal wasaaraha turkiga Rajab Dayib Ordugan iyo wasiirada khaarajiga iyo macdanta iyo tamarta ee dalkan turkey”

       

Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland hogaaminayo ayaa galabta u ambo baxaya dhanka Magaalada Ankara halkaas oo la filayo inay si rasmi ah uu ugu furmi doono wada hadaladii ay la lahaayeen Madaxda Wadankaas.

                                                                 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay socdaalkan ku wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi   Xaaji Cali Xasan,Dib u dejinta Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye  iyo Marwada Madaxweynaha Amina Sh,Maxamud Jirde,Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland Aadan Nuux Dhuule oo ka sii raacay Weftiga Magaalada Addis ababa, halka ay ay dalka Turkigana hore u sii Joogeen Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed