|

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex iyo Ku simaha Duqa Caasimada oo ka qayb galay deeq la gaadhsiiyay dadkii ku barakacay xaafadda State houska

Hargaysa 10March (SDN)  Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex oo uu Weheliyo Maayar ku Xigeenka Caasimada Hargaysa ayaa maanta ka qayb galay deeq raashin ah oo ay Hay’ada Islamic Relief Organization ugu talo gashay dadkii danyarta ahaa ee Guryahoodii kaga Gubteen Xaafada State house-ka ee Magaalada hargaysa.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Maxamud Jeeni yare iyo Ku simaha Duqa Caasimada ahna maayar ku xigeenka Hargaysa Cabdi Casiis Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay sida ay uga Xun yihiin dhibaatada uu dabkani soo gaadhsiiyay dadka degen Xaafada.

Maayar ku xigeenka Hargaysa ayaa balan qaaday inay sida ugu dhakhsiyaha badan uga rari doonaan dadka ku nool xaafadaas isla markaana ay u dejin doonaan goobo u gaar ah oo ay u sii nidaamiyeen.

Sidoo kale Gudoomiyaha Hay’ada Islamic Relief Organization ayaa sheegay in deeqdani tahay mid hordhac ah,isagoo intaas ku daray inay sida ugu dhakhsiyaha badan ugu keeni doonaan.

Geesta kale Maayar ku xigeenka Caasimada Hargaysa oo ay weheliyaan Qaar ka  mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ayaa maanta dhagax dhigay dhismayaal ay dawlada hoose ka hirgalinayso Degmada Maxamud Haybe iyo Xaafada Maxamed Mooge .

maayar ku xigeenka Hargaysa Cabdi Casiis Maxamed Xaashi ayaa sheegay in golahooda deegaanku iyagoo ka duulaya balanqaadadii ay Ummada u sameeyeen Xiligii doorashada ay u hawl galayaan Sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen arrimaha horumarka.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com


Comments are closed