|

Rag ka tirsan Al Shabaab oo isku soo dhiibay Booliska Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan

Baladwenyne March 10 2013 (SDN)— Saraakiisha Booliiska ee Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa soo bandhigay rag Shabaab ah oo dhanka Dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay sida ay sheegeen.

Taliya Saldhiga Degmada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan Cali Dhuux Mahad Alle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in raga Shabaabka ah ee isku soo dhiibay ay ka kala yimaadeen Gobalo kala duwan.

Wuxuu sheegay inay gaarayaan tiro ahaan todobo ruux ayna ka kala yimaadeen Shabeelaha Dhexe,Gobalka Bakool iyo deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Cali Dhuux Mahad Alle ayaa sidoo kale sheegay inay dhalinyaradaasi iminka usameynayaan dhaqancelin ku aadan sidii ay uga waantoobi lahaayeen sida uu sheegay falalka Shabaab.

Kasokoow warka kasoo baxay Saraakiisha Booliiska ee Magaalada Beladweyne ayaan la ogeyn rasmi ahaan in dhalinyaradaasi ay toos uga tirsan yihiin xoogaga Shabaab.

SDN-Baladweyne 

Comments are closed