Ciidamada Nabad Sugida gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay Nin dilay Gudoomiyhii Bakaaraha Muqdisho
Muqdisho March 10 2013 (SDN)—Taliska Nabad sugida gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay ninkii ka danbeeyay dilka Alla ha unaxariistee Axmed Nuur Owdiini oo ahaa gudoomiyihii ganacasatada Suuqa Bakaaraha.
Dilka Marxuumkaas ayaa waxaa la sheegay inuu ka danbeeyay Abdi Ladiif Maxamed sida uu sheegay taliyaha nabad sugida ee gobolka Banaadir.
“Dilka marxuumka waxaa ka danbeeyay Abdi Ladiif waxaana ku ogaanay baaritaan dheer oo aan samaynay kadib”ayuu sheegay Taliyaha nabad sugida Ereg oo kahadlayay kulan dhexmaray hay’adaha nabad sugida iyo ganacatsada Muqdisho.
Dhanka kale taliyaha nabad sugida ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in amaanka magaalada Muqdisho uu yahay mid la isku halayn karo.
SDN-Muqdisho