|

Xukuumadda Saacid oo sheegtay in ay Puntland ka taageereyso dhinaca Amaanka

Garoowe March 10 2013 (SDN)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in maamulka Puntland ay ka caawin doonaan sugida dhanka ammaanka ee deeganada maamulkaasi.

Cabdi Faarax Shirdoon oo ka hadlaye Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland oo uu shalay booqasho ku tagay ayaa sheegay in ujeedooyinka ugu waaweyn ay u tageen deeganada maamulkaasi ay tahay sidii ay kala shaqeyn lahaayen Puntland dhanka Nabadgalyada.

Wuxuu sheegay in arimaha ugu waaweyn ay utageen Garoowe ay tahay sidii ay kaga hortagi lahaayeen dadka ka shaqeeya nabadgalyo la’aanta maamulka Puntland,isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada ay yeelan doonaan madaxda maamulkaasi inay noqdaan kuwa mira dhala.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay ku hooyday Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal Caasimada Puntland halkaasi oo xalay ciidamada ammaanka ee Puntland ay si aad ah u adkeeyeen ammaanka Garoowe.

Maamulka Puntland ayaa dagaal adag waxa ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab oo xoogooda ka dagaalama koonfurta dalka Soomaaliya, inkastoo Buuraha Gal-gala ee Gobalka barina ay ku sugan yihiin.

SDN-Garoowe 

Comments are closed