|

Madaxweyne Siilaanyo oo u Kicitimay Wadanka Turkiga isagoo si adag uga hadlay Xayiraad ka qaadista Hubka Somalia

Hargeysa March.09, 2013 (SDN)  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta Socdaal ugu ambo baxay Wadanka Turkiga kadib markii uu martiqaad ka helay dhigiisa Dalka Turkiga .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Warbaahinta uga Waramayay Socdaalkiisa ayaa Sheegay inuu Marti qaad ka helay Wadanka Turkiga oo ay ku sii sugan  yihiin Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu Jawaab kulul ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxda  dalka aynu deriska nahay ee Somalia,waxaanu Sheegay in Somaliland ay tahay dal Madax banaan oo leh Cudud Milateri Isla markaasna aanay Madax banaanideedu ku iman dhayal iyo dhalanteed isagoo yidhi “Daafacaad haddii ayn noqotana Somaliland way leedahay ciidan ku filan iyo dad ku filan oo xoriyadooda ilaashadda, markii horena Somaliland xoriyadeeda bilaash laguma siine’ xoog ayay kula soo noqotay.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu cadeeyay inay aad uga Xun yihiin  Cuna qabataynta Hubka ee Somalia laga qaaday, waxaanu yidhi “Dawlada Soomaaliya waxay ahayd dawlad dunidu ictiraafsan tahay, wax cusub ma aha in dawladda Soomaaliya ee hada la icitiraafo, cuna qabataynta hubka ee laga qaadayna waa mid aanu aad iyo aad uga xunahay dhibaatada ay noo keenayso, laakiin annagu ma hayno meel ay dawladda Soomaaliya ku tidhi xoog ayaanu ku dhacsanaynaa, xoog ayaanu ku midaynaynaa iyo dagaal ayaanu ku qaadaynaa, sida kale ayay u tidhaahdaa hawlaha wada hadal ayaanu ku dhamaysanaynaa .”

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay socdaalkan ku wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi      Xaaji Cali Xasan,Dibu dejinta Md,Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye iyo Marwada Madaxweynaha Aamina Sh,Maxamud Jirde  waxaa si diiran ugu sii sagootiyay Madaarka Cigaal interanational Airport Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Muddane C.raxmaan C.laahi Saylici,Shirgudoonka Golaha Wakiilada,Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye iyo Wadani, Xubno ka  tirsan Golaha Wasiirada iyo Madax kale .

Waxaanu Salaan Sharaf kaga Qaatay Gegida diyaaradaha Cutub ka tirsan Ciidamada Qaranka

Hargaysa SDN.

qurbojoog@gamil.com

Comments are closed