|

Uhuro Kenyatta oo noqday Madaxweynaha Rasmiga ah ee dalka Kenya

Nairobi March 09 2013 (SDN)– Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dalka Kenya Axmed Isaaq Xasan ayaa ku dhawaqay natiijada rasmiga ah ee laga wada sugayay iyo cidda noqonaysa madaxweynaha dalkaKenya.

Kahor Gudoomiyaha inta uusan sheegin magaca madaxweynaha cusub ee dalkeKenyawuxuu aqriyay sagaalkii musharax iyo sidii ay ukala heleen cododkii la tiriyay.

Waxaana markii uu soo tiriyay todobo musharax magacooda kadib lasoo gaaray labada musharax ee ugu dambeeysay ee kala ah Kenyatta iyo Odinga.

Odinga wuxuu helay 5,340,546 cod oo udhiganta 43.28% iyadoo Uhuru uu helay 6,173,433 cod oo u dhiganta 50.3% waxaana sidaasi lagu dhawaaqay in Kenyatta uu yahay madaxweynaha dalka Kenya.

SDN-NairobiĀ 

Comments are closed