Wafdiigii uu horkacayey raisul wasaare Saacid oo gaaray Garowe, si diirana loo soo dhoweeyey
Garowe 09March13 wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu horkacayo ayaa duhurnimadii maanta ka degay garoonka dayuuradaha magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.Wafdiga raisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan giolihiisa wasiirada sida wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka maaliyada iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan iyo xubno kale.
Waxaa si diiran halkaas ugu oo dhoweeyey madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxuud Faroole, madax kale oo ka tirsan maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Garowe, iyadoo amaanka magaalada ay si weyn u adkeeyeen ciidamada maamulka Puntland, lamana sheegin ciidamo ka tirsan AMISOM oo halkaas lagu arkay.
ntaa ka dib ka dib ayaa raisul wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa loo gelbiyey xarunta madaxtooyada maamulka Puntland oo ku taala magaalada Garowe, halkaasoo ay wadahadalo kula leeyihiin madaxda maamulka Puntland, iyadoo la filayo in caawa ay halkaasi ku hoydaan.
Faahfaahin lagama bixin illaa hadda ujeedada safarka raisul wasaaraha iyo wafdigiisa ay ku tageen magaalada Garowe, iyadoo safarkan uu ku soo aadayo xili uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhexeeya labada dhinac, waana masuulkii ugu sareeyey dowlada Somalia ee taga degaanada Puntland.
Maalmo ka hor ayey aheyd markii raisul wasaare Saacid uu booqasho saddex cisho qaadatay ku tegay degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia kuwaasoo ay ka mid yihiin Dhuusamareeb, Cadaado iyo Caabudwaaq, isagoo horeyna safari kala duwan ugu tegay magaalooyinka Marka iyo B/weyne.