|

Wariye Aamina Muuse Weheliye oo iska casishay si rasmi ah shaqadii ay u haysay taleefishanka UNIVERSALTV

london09March13(SDN)Wariiye Aamina Muuse weheliye ayaa si rasmiya u shaacisay inay iska casishay telefashanka Universal tv taas oo war koban oo ay ku shegtay warsaxafadeed ay soo sartay ilaa imika lama hubo sabata ay uga tagayaan wariyaashu TVga universal taas oo ugu yaraan 10wariye iyo shaqale oo ka tirsanaa tvgaa ay ka tageen qoraalkii Aamina oo nuqul midi na soo gadhay waxa uu u qornaa sida tan, warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay qurbejoog.com ayaa waxa noo xaqijiyey agasimaha tv HCTV inay si rasmiya u bilaabayso Shaqada tvga ayana soo dhawaynayaan Aamina.

 

Aamino waxaa kamid ahaa hadaladeedii markeey soo bandhigtey ka tagideeda universal sidan hoos ku qoran.

SCWW, Jimco wanaagsan walaalayaal;

Maanta oo bisha March tahay 8, sanadka 2013-ka waxaan idiinla socodsiinayaa, in aan iska casilay si rasmi ah shaqadii aan u hayey taleefishanka UNIVERSAL oo aan la soo shaqeeyey si sharaf leh muddo ku dhow laba sannadood.

Waxaan u rajeynayaa mulkiilaha, maamulka iyo shaqaalaha walaalaheyga ah meel kasta ooy dunida ka joogaan, horuumar iyo baraare.

tageerayaasheyda waxaan leeyahay idinkama tagine, gurigii uun baan ka guuray, midka cusub oo aan degayna marti kama tihiin, waana isla socon doonnaa, iskana war qabi doonaa haddii eebbe yiraahdo.

Barnaamijyadii aad iiga barateen ee NALA FIIDSO, BANDHIGGA AMINA iyo kuwo kale oo hor leh-na waxaad ka daawan doontaan HCTV oo ay iminka suurta-gashay in aan wada gaarno heshiis wada-shaqeyneed oo rasmi ah, ka dib markii wadahadal iyo gor-gortan shaqo oo culusi uu noo socdan aniga iyo milkiilaha Taleefishankaasi Farxaan Xaaji Cali, tan iyo bishii MAY ee sanadkii hore ee 2012-kii, gor-gortaankaas oo ay dad farabadan oo kale oo Soomaliyeedna ka qeybqaateen.

Waxaan idin leeyahay kulligiin nabad iyo caano ku noolaada.

Amina Muuse Weheliye.

Luton, Bedfordshire.

United Kingdom.

qurbejoog.com

uk London

Comments are closed