Gen. Carter Ham: Mustaqbalka Soomaaliya waa uu soo hagaagayaa maadaama Al Shabaab la wiiqay
Washington March 08 2013 (SDN)— Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Qaarada Afrika Gen. Carter Ham ayaa sheegay in ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya guulo buuxda ay ka gaareen dagaalada ka socda dalka Soomaaliya.
General Ham oo xilka uu hayo la sheegay inuu ka dagayo bisha soo socota ayaa sheegay in shantii sano ee ugu dambeeyay howlgalka laga sameeyay gobolada dalka Soomaaliya in guulo laga gaaray.
Mr. Ham ayaa dhanka kale xusay in sanadihii ugu dambeeyay horumar wanaagsan laga gaaray dalalka Mali iyo Soomaaliya oo uu sheegay inay ka dhaceen isbedelo dhanka amaanka ah.
Iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan isbahaysiga Africa, horumar wanaagsan ayaa ka dhacay dalka Soomaaliya iyadoo la daciifiyay ururka xiriirka la leh Al-qaacida ee Alshabaab ayuu yiri mr. Ham.
“Soomaaliya waxay wajahaysaa Ahmiyad siyaasadeed,mid dhaqaale iyo isbedel amaan, laakiin shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda heysta wax aysan helin waqti dheer, rajada ayaa ah mustaqbal wanaagsan, waxaana ka ciyaarnay door muhiim ah arintaasi” ayuu yiri Carter Ham.
Sidoo kale general carter wuxuu sheegay in wadamada Africa iyo kooxo gobolka ay ka ciyaarayaan door ku aadan la dagaalanka Burcad badeeda, iyada oo uu sheegay in guulo ay ka gaareen.
Dhanka kale General Carter Ham ayaa xusay in dalka Mareykanka uu garab taagan yahay wadamada Soomaaliya iyo Mali , isagoo tilmaamay in dhamaan amaanka iyo lojistikada ay ka taageeri doonaan.
SDN-Washington