Xisbiga UCID:maamul xumada Xukuumada xilka haysa ayaa masuul ka buuxa ka ah dhibka Saylac
Hargeysa Mar 08,2013(SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa war uu soo saray uga hadlay shaqaaqada ka aloosan gobolka Selal ee Galbeedka Somaliland.
Xisbiga UCID ayaa masuuliyada khasaarihii ka dhashay weeraro dhawaan kadhacay Xariirad oo dad ku dhinteen dusha u saaray Xukuumada maaxweyne Axmed Siilaanyo,War murtiyeedka UCID ayaa sidan u dhignaa”Xisbiga UCID wuxuu si weyn uga walaacsan yahay arinta Saylac,oo runtii in mudo ahba soo jiitamaysay.Xisbiga UCID wuxuu kaloo si weyn uga naxayshilka ka dhacay 05 Mar 2013 degaanka Xariirad oo ka tirsan Gobolka Salal,ee Somaliland oo sababay dhimasho aad looga naxo.
Haddaba Xisbiga UCID ,isagoo dareen weyn ka qaba xaalada cakiran ee hore uga taagneyd Gobolka Salal iyo xaalada ka soo cusboonaatay maalmihii ugu dambeeyeyba ,waxaanu soo jeedinaynaa qodobadan
– Xisbiga UCID wuxuu qabaa in maamul xumada Xukuumada xilka haysaa ay masuulka buuxa ka tahay dhibka Saylac ,kana soo bilowday nimaad xumadii Doorashooyinkii, iyo arimaha Deeganka Saylac oo laga leexiyey nimaadka Dastuuriga ah ee Doorashooyinka,lagana dhigay nidaam beeleed.
-Waxaa cid waliba ka dheregsan tahay in guud ahaan reer Somaliland ay ku soo nabad iyo caano maaleen,nabada iyo horumarka ay maanta haystaana ay ku gaadheen ,wada hadalka,isdhegaysiga,isu tanaasulka iyo is qaderinta. Sidaa daraadeed waxaanu shacabka walaalaha ah ku boorinaynaa dhabar adayg iyo in ay dhowraan wada noolaanshahooda.
-Xisbiga UCID wuxuu qabaa in aanay dadka wada degan Gobolka Salal wax dhib ahi ka dhaxayn,wixii tabasho ahna shacabka walaalaha ahi ay si fudud u dhamaysan karaan. Wax garadka,Madaxdhaqameedka guud ahaan reer Somaliland,gaar ahaan Beelahaa wada degan Gobolka Salal waxaanu ka codsanaynaa in ay si wada jir ah loogu gurmado,sidii nabad iyo deganaansho loogu soo dabaali lahaa muranka ka taagan Gobolka Salal.Waxaa haboon in Maskaxda la adeegsado,ee aan qoriga la adeegsan.
-Ugu Dambayntii haddii aanu nahay Xisbiga UCID waxaanu Xukuumada ugu baaqaynaa in ay si deg deg ah u mudayso Shir wada tashi Qaran ah,kaas oo lagaga wada tashanayo arimaha adag ee dhicyada Dibloomaasiyada,nabadgelyada iyo Dastuurka,ee maanta dalka soo wajahay
ALLAA MAHAD LEH
Abdi M.Saleiman(Mingiste) Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.
Xisbiga UCID
abdi_saleiman@hotmail.com