|

Xukuumadda Soomaaliya oo dhinacyo badan kala shaqeyn doonta Maamulk Ximan-Xeeb

Cadaado 07 2013 (SDN)— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo booqasho ku tagay Degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegay in maamulka Ximin iyo Xeeb ay kala shaqeynayaan arimaha dhanka horumarka.

Saacid Shirdoon ayaa sheegay in maamulka Ximin iyo Xeeb ay kala shaqeynayaan dhinacyada horumarka deeganadaasi iyo sidoo kale sidii Dowlada Soomaaliya ay kala shaqeyn laheyd sugida dhanka ammaanka ee Deeganada maamulkaasi.

“Maamulka Ximin iyo xeeb waxaan kala shaqeynaynaa sidii loo sugi lahaa ammaanka deeganada maamulkaasi iyo dhanka horumarada”Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay sidaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo socdaal qaatay muddo saddex cisho ah ku joogay Gobalka Galgaduud ayaa shalay ugu dambeyn socodkiisa kusoo gabagabeeyay Degmada Cadaado ee Gobalkaasi iyadoo masuuliyiinta maamulka Ximin iyo Xeeb uu kulamo kala duwan lasoo qaatay.

SDN-Cadaado

Comments are closed