|

Xuska Maalinta Afka Hooyo oo Hargaysa Lagu Qabtay.

Hargaysa 22.Feb (SDN) Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada Somaliland ayaa ka qayb galay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayay Maalinta Afka  hooyo ee Soomaaliga,taas oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa .

Xuskan Waxaa ka qayb galay masuuliyiin, fannaaniin, jileyaal, qoraayo, abwaanno, Xubnaha Ururka PEN, macallimiin, saxafiyiin, arday iyo boqollaal dadweyne ahi.

Xuskan oo sannad walba loo dabbaal-dego ayaa waxa soo qabanqaabiyay Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka (SOMALI PEN) Qaybta Somaliland Qaabilsan.

Sacdiya Muuse Axmed oo ah Xoghayaha Somali Pen ee Xafiiska Haweenka, aasaasayaasha  iyo Guddiga Fulinta ee PEN ayaa ka warbixisay Taariikhda iyo Waxqabadka Somali Pen. Farduus Siciid Dirir Guddoomiye ku-xigeenka SOMALI PEN ayaa ka faallootay doorka Somaliland ee Somali Pen gaar ahaanna shirkii lagu xusay afartan-sanno guurada qoraalka farta Soomaaliga oo ay Somaliland ka tageen qoraayada iyo hal-abuurrada ugu badan.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal,   ayaa da’yartaa kula dardaamay inay afkooda horumarkiisa ka shaqeeyaan. Wasiirka Qorsheynta Dr Sacad Cali Shire ayaa isaguna dhiniciisa ka  sheegay inuu ka mid ahaa aasaasayaasha PEN isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu munaasinaddan kaga qaybgalo Hargeysa. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee S/Land Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ballan-qaadday inay furayaan Akadamiyadda Dhaqanka iyo Suugaanta oo door weyn ka geystan doonto erey-bixinta iyo horumarka Afka Soomaaliga. Wasiirka Ganacsiga C/Risaaq Khaliif Axmed iyo Qoraa C/Naasir Dheeg Ciise ayaa iyaguna munaasibadda ka hadlay, waxa sidoo kale munaasibadda ka qaybgalay Axmed Muxumed Madar oo ah  Guddoomiyeha Hay’adda Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa, Qoraa Khaalid Jaamac Qodax, Abwaan Axmed Aw Geeddi, Abwaan Yaxye Yeebaash iyo marti-sharaf kale.

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame oo soo gunaanaday munaasibadda ayaa ka warramay sooyaalka uu soo maray afka Soomaaligu iyo sida ay u dhalan-doorinayaan luqadaha ajnabiga ah ee dadku adeegsadaan, waxaanu afka Soomaaliga ku tilmaamay hanti aynu leennahay una baahan inaynu heegan u ahaanno.

Qaar ka mid ah Fanaaniinta Qaranka ayaa Madashaasi ku soo bandhigay Masrixiyad ka waramaysa Luuqada Somaliga iyo Hodantinimadeeda.

Hargaysa SDN.

Comments are closed