Prof Jawaari oo ku sugan Nairobi kana warbixiyay howlaha Barlamanka Soomaaliyeed
Nairobi Feb 22 2013 (SDN)—Guddoomiyaha Barlamanka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa waxa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxda ugu sareysa dalka Kenya, xili uu halkaasi socdaal ku tagay.
Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya halkaasi oo lagu wado in uu kula kulmo Madax ka tirsan dowladda Kenya waxaana uu rajo ka muujiyay safarkiisa Kenya.
Prof: Jawaari oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu waxa uu sharaxaad ka bixiyay howlaha Barlamanka iyo safarkii uu ku tagay dalka Ethiopia isag iyo wafdi uu hogaaminayay.
Jawaari ayaa tilmaamay in howsha Barlamanka ay meel wanaagsan Marayso islamaarkaan ay ka go’antahay sidii dalka loogu fidin lahaa Nidaamka Federalka ah ee uu dalku qaatay.
Guddoomiyaha Barlamanka ayaa xusay in ay jiraan mashaakilaad dhanka Mushaaraadka shaqaalaha baralmanka iyo Xildhbaanada uu jiro laakiin laga bixi doono, waxaana uu carabka ku adeeyay in howsha ugu weyn ay barlamanku guda gali doonaan Marka fasaxa laga soo laabto.
Guddoomiyaha barlamanka ayaa maalmihii u danbeeyay socdaal ku marayay dalka Ethiopia halkaasi oo uu kula kulmay guddoomiyaha baralmanka dalkaasi oo ay kala saxiixdeen wada shaqeyn labada barlaman ah.
SDN-Nairobi