|

Jabuuti oo saaka looga dareeray Doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Mucaaridka oo Awood isbidaya

Jabuuti Feb 22,2013(SDN)-Waxa saaka oo Jimce ah dhamaan dalkanJamhuuriyada Jabuuti looga dareeray Doorashooyinkii aqalka baarlamaanka oo ay ku tartamaayaan musharaxiin ka sharax sadex xisbi.

Xisbiga UNP ee haatan ka arimiya dalka Jabuuti oo uu madaxweyne Ismaciil CumarĀ  hogaamiyo ayaa waxa la tartamaya xisbiyada USN oo uu hogaaminayo Daahir Axmed Faraax DAAF iyo xisbiga CDU oo ah xisbi dhawaan la aasaasay oo uu hogaamiyo Cumar Cilmi Kheyre.

Madaxa Xisbiga USN Daahir Axmed Faarax oo mudo dalka ka maqnaa ayaa dhawaan dalka dib ugu soo noqday.

Kuraasta maanta loo taratamaya oo tiradoodu tahay 65 kursi ayaa 35 ka mid ahi waxa laga soo dooranayaa caasimada dalkaasi ee Jabuuti.

Tirada kalena waxa laga soo dooranayaa gobolada kale ee Obokh,Dikhil,Cali Sabiix iyo Carta.

Mudadii lagu gudo jiray ololahii doorashada ayaa waxa la dareemayay xamaasad nooceeda aan ebid Jabuuti loogu arag.

Waxaanad moodaa in ay suurto gal tahay in mucaaridku kuraasi badan ay helaan oo ay cidhiidhi geliyaan xisbul xaakimka Jabuuti.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Jabuuti Cabdi Ismaaciil Xirsi ayaa sheegay in iminka ay waxwaliba caadi iyo sidii loo qorsheeyay u socdaan.

Doorashoonikanka maanta dalka ka biloowday waxa dusha kala socda ururo caalemiya oo ay ka mid yihiin IGAD,Jaamacada Carabta,ururka dalalka Islamka iyo midawga Africa.

SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed