|

Nin Soomaali ah oo lagu helay in uu dilay afar Caruura oo racfaan uu qaatay ku guuldareystay

Louisville Feb 22,2013(SDN)-Nin Soomaali ah oo Caruur uu dhalay laayay oo xukun xabsi daaim ah ahi uu hore ugu dhacay ayaa dib loo eegay habkii dacwadiisa loo dhegeysay.

Ninkan oo la yidhaahdo Saciid Biyad ayaa afar caruur ah oo uu dhalay mar wada gawracay,hoyadii caruurta dhashayna dhaawacay.

Qareenada Saciid Biyad ayaa ku andacooday in denbiiluhu maskaxda wax uga dhiman yihiin isla markaana ay tahay in aan loo maxkamadeyn sidii ruux caafimaad qaba.

Maxkamada sare ee gobolka Kentucky ayaa xukuntay in aanu xaakimkii dhegeystay isla markaana xukunka xabsi daaim ka ah ku riday denbiilaha aanu khalad gelin.

Saciid Biyad ayaa lagu helay 2011kii in uu gawracay sadex caruura oo uu dhalay isla markaana uu dhaawacay hooyadood.

Danbiile Siciid ayaa dhacdada dabadeed isagu tegay saldhig Booliis oo uu isu dhiibay.

Waa denbi ruux Soomaali ahi galo kii ugu naxdin iyo amakaaga badnaa intii Qurbaha la yimi.

SDN-Louisville
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed