|

Maayar ku Xigeenka Caasimada Hargaysa oo soo kormeeray Mashaariic ay dawlada hoose ka wado Qaybo ka mid ah Degmooyinka Hargaysa

Hargaysa 21Feb.(SDN)    Ku simaha Duqa Caasimada Hargaysa ahna Maayar ku xigeenka Magaalada Hargaysa Cabdi Casiis Maxamed Xaashi oo uu Weheliyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Na coo ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Mudanayaal kale oo ka Mid ah Golaha Deegaanka ayaa maanta waxay kormeer ku soo mareen goobo ay dawlada hoose ka wado mashaariic dhinaca wadooyinka ah.

Mashaariicdan oo ay ka mid yihiin Biriij yare ama Buundo isku xidhi doonta Degmooyinka Maxamud Haybe iyo Gacan libaax isla markaana dhismihiisu ka socdo Sh.Cali Cismaan Ex Riis iyo dhismaha Saribada Qudhac dheer oo hawsheedu dhamaystir ku dhawdahay, ayaa Mas’uuliyiintani waxay warbixin kaga dhagaysteen Engineerka Guud ee Dawlada Hoose Ibraahin Aadan isla markaana ka warbixiyay halka ay labadan mashruuc oo ka mid ah Barnaamijka JPLG-gu Marayaan.

Ku simaha Duqa Caasimada Hargaysa ahna Maayar ku xigeenka Magaalada Hargaysa Cabdi Casiis Maxamed Xaashi ayaa ka dalbaday hawl wadeenada hawshan gacanta ku haya inay sida ugu dhakhsiyaha badan u soo gabo gabeeyaan,Maadaama la gudo galayo sida uu Xusay Xili roobaadkii gu’ga .

Waxaa kale oo kormeerkaas qayb ka ahaa Wefti ka Socday Hay’ada ILO oo Mashaariicdan ku deeqay.

Hargaysa SDN

Comments are closed